Amiirka Amniyaadka Shabaab U Qaabilsanaa Gobolka Banaadir Oo Gacanta Lagu Soo Dhigay.

0
616

Sarkaalkaan oo lagu magacaabo Liibaan Gaagaale, ayaa waxaa lagu sheegay in uu yahay Madaxii Ciidamada Amniyaadka Al Shabaab ee Gobolka Banaadir, wuxuuna ahaa ninkii iskusoo duba-ridi jiray dilalka qorsheysan ee Caasimada ka dhacaaya.

Xalay Saqdii dhexe ee ayaa waxaa ninkaan lagu qabtay Xaafadda Taleex ee Degmada Hodan ee Gobolka Banaadir, gaar ahaan halka loo yaqaano Jiirada Taleex, oo ku dhow Dhismaha Iskuulka Osama Bin Zeyd Waxaana
Ciidanka Dowladda ay iska caabin kala kulmayn rag markaasi la joogay Liibaan Gaagaale, iyadoo saqdii dhexe ee xalay halkaasi laga maqlaayay daryanka rasaasta.

Israsaaseynta Kadib Ciidanka ayaa waxay ku guuleysteen inay nolosha ku soo qabtaan Liibaan Gaagaale iyo laba nin oo kale, inkastoo mid kamid ah uu ku dhaawacmay, rasaastii ay labada dhinac isweydaarsanayeen Iyadoona Ninkaan iyo ragga kale ee lala soo qab qabtay, isla xalay lagu soo xiray Xarunta Hay’adda Dambi Baarista Qaranka ee CID-da.

Labada nin ee lala soo qabtay Liibaan Gaagaale, ayaa waxaa si weyn loola xiriirinayaa inay ka dambeeyeen, dilkii shalay Xaafadda Taleex loogu geystay Nabadoon Faarax Shidane.

Sarkaalkaan ka tirsan Shabaab, ayaa sidoo kale wuxuu mar ku sigtay inay gacanta ku dhigaan Ciidanka Hay’adda Nabad Suggida, inkastoo uu si dirqi leh uu kaga baxsaday.