Xasan Sheekh Maxamud Madaxweynaha dowladda federaalka ah ee Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta kulan la qaatay ra’isul wasaaraha dalka Talyaaniga Enrico Letta Iyadoona Inta aysan kulan wada qaadan labada mas’uul Uu ra’isulwasaaraha Talyaaniga Enrico Letta ku sugayey madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud albaabka hore ee xafiiskiisa waxa ay salaan sharaf si wada jir ah ka qaateen ciidamada qalabka sida,Waxaana kooxda musikada garaacda ay tumayeen astaamaha labada dal.
Sidoo Kale Waxa ay kulankooda Kaga wada hadleen labada mas’uul xiriirka ka dhexeeya Soomaaliya iyo Talyaaniga iyo sidii dowladda Talyaaniga ay door muhiin ah uga qadaan lahayd dhib u dhiska Soomaaliya iyo hormarinteeda,iyadoo ay wada qabteen shir jaraa’id.
Ugu horeyn ayaa Waxaa ka hadlay shirka Enrico Letta oo sheegay in farxad gaar ah ay u tahay in madaxweynaha Soomaaliya uu ku casuumo magaalada Roma,isagoo balan qaaday in Talyaaniga uu door muhiim ah ka qaadan doono hormarka Soomaaliya.
Xasan Sheekh Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa isagana sheegay in uu ku faraxsan san yahay sida qiimaha badan leh ee uu R/wasaaraha Talyaaniga ugu muujiyey taageerada ay la garab taagan yihiin Soomaaliya.
Madaxweynaha iyo wafdigiisa oo ay ka mid yihiin R/wasaare Xigeen ahna Wasiirka Arimaha Dibada marwo Fowxiyo Yuusuf Xaaji Aadan, Wasiirka Gaashaandhiga Mudane C/xakiin Faqi, Wasiirka Qorseynta iyo maaliyadda Mudane maxamuud Xasna Suleymaan iyo Wasiiru dowlaha Madaxtooyada Soomaaliya Mudane Faarax C/qaadir Soomaaliya ay shalay ka soo kicitamay dalka Belgium oo ay kaga qeyb galeen shirkii hiigsiga cusub ee Soomaaliya(New Deal).




