Iyadoo uu maanta dalka kusoo noqdey r/wazare cabdi faarax shirdoon kana yimid dalka sacuudiga ayaa waxaa dawlada mareykanka safaaradeeda niarobi kenya shaacisey 32 dal oo mareykanka ku taageerey in la weeraro dalka syria ee uu hugaamiyo m/weyne Bashaar al asad,dawladahaas oo soomaaliyana kamid tahey.
Dawlada dalka sucuudiga ayaa si ba’an uga soo horjeedo rajiimka m/weyne Bashaar alasad,taas oo siyaaro booqasho u fidineysa dalalka muslimka qaarkood kana gadeysa fekradaha uu mareykanku rabo sida mida hada miiska u saaran ee ah in dalka syria la weeraro laguna weeraro eedda ah in ay heysato hubka halista ah ee sida xun wax u gumaada,sidii dalka ciraaq loo weerarey oo kale.
Hadaba waxaa la is weydiinayaa ma r/wasaare saacid ayaa isagoon barlamaan waxba weydiin mareykanka u saxiixey in somaaliya oo aan tabar laheyn ay dakano cusub gasho carabtana kala irdheyso,waxeyna tani imaneysaa iyadoo qeybo badan oo siyaasiyiin ahi ay ku dhaleeceeyeen xukuumada talaabada ay ku dhaqaaqdey,iyo waxa ka dhalan kara.




