Hugaamiyaha maamulka kmg shekh axmed madoobe ayaa markii ugu hureysey amaaney m/weynaha jamhuuriyada soomaaliya prof. Xasan shekh maxamuud iyo heshiiski dhawaan dawladda dhexe iyo maamulka kmg juba ay ku gaareen dalka ithiopia.
Shekh axmed madoobe oo maanta warbaahinta la hadley ayaa sheegey in heshiiskaasi ahaa guul taarikhi ah isla markaana uu amaan u jeediyey m/weyne xasan sheekh oo uu yiri marna m/weynuhu nagama maqneyn mana ogoleyn in heshiis darro dhacdo wuuna ku mahadsanyahey,isaga iyo wasiirka arrimaha debedda dalka ethiopia iyo intii gacanta ka geysateyba.
Sheekh axmed madoobe ayaa sheegey in sheekada jubba ay dhamaatey hadana loo baahanyahey in hore loo socdo oo laga wada shaqeeyo hormarka dalka,dacaayadaha iyo warxuma tashiilkana la joojiyo.
Hadalkan kasoo yeerey sheekh Axmed madoobe ayaa kusoo beegmaya iyadoo la filayo in ay muqdisho soo gaaraan maamulka kmg ee uu hugaamiyo sheekh axmed madoobe,si loo sii guda galo qodobadi heshiiska lagu saxiixey.




