Soo noqoshada m/weyne xasan sheekh oo aan aheyn kii dhulka ayaa isu bedeley safar xaga hawada ah iyadoo wararka qaar sheegayaan sababo xaga amniga in m/weynuhu cirka usoo marey.
Wararka qaar ayaa sheegaya in weerar lagu qaadey wufuudi m/weynaha la socdey oo iyagu dhulka soo marey,iyadoon la ogeyn qasaaraha kala gaarey ilaalada wufuuda iyo kuwa weerarka ku qaadey.
Soo noqoshada m/weynaha ayaa timid iyadoo la filayey in m/weynuhu dhawr cisho joogo uuna la wada kulmo beelaha wada dega gobolka sh/hoose ayna isa soo tarayaan cabasho ka imaneysa qaar kamid ah xildhibaanada beelaha wada dega gobolkaas.




