Banaanbax looga soo horjeedo heshiiskii dhawaan lagu gaarey ethiopia oo beydhabo ka dhacey.

0
620

Banaanbaxan oo looga soo horjeedo heshiiski dhawaan lagu gaarey adisababa dalka ethiopia ayaa ka dhacey magaalada baydhabo,iyadoo ay ka hadleen dad kala duwan oo bulshada reer beydhabo ah.

Arrinta banaanbaxan ayaa waxaa ka danbeeya sida la sheegayo siyaasiyiin qarsoon oo doonayey in ay iyana ku dhawaaqaan maamul goboleed la yiraa koonfurgalbeed state,kuwaasoo dawlada ugu careysan is hor istaaga ay ku diidey in ay aqoonsato waxa loogu yeero maamul goboleed.

Banaanbaxan looga soo horjeedo heshiiska ay wada gaareen dawlada federalka ah iyo maamulka kmg ee jubba ayaa imanaya xilli la filayo in shir ka dhaco magaalada xarunta u ah midawga yurub ee bracels dalkaasi beljemka ayna ka qeybgeleyso dawlada federalka soomaaliya lana filayo in uu shir gudoomiyo m/weyne xasan sheekh maxamuud.