Maamulka gobolka Shabeelaha Hoose oo dhaliilay socdaal wasiirka difaaca uu shalay ku tegay gobolkaas.

0
631

Gudoomiyaha magaalada Marko ee gobolka Sh/hoose Maxamed Cismaan Cali Yariisow ayaa eedeyn u jeediyey wasiirka difaaca xukuumada Somalia C/xakiin Xaaji Fiqi oo shalay booqday degaano ka mid ah gobolkaas.
Maxamed Cismaan Cali Yariisow ayaa sheegay in wasiirku uu waxba ka qaban waayey isbraarooyin fara badan oo uu tilmaamay in degaano ka tirsan gobolkaas ay u yaalaan ciidamada milateriga.
“Wasiirku waxaa uu soo gaaray qeybo ka mid ah Sh/hoose, waxba waa ka qaban waayey ciidamada milateriga ee isbaarooyinka dhigtay maadaama ay wasaaradiisa hoos tagaan” ayuu yiri Yariisow.
Gudoomiyaha magaalada Marko ee gobolka Sh/hoose ayaa sheegay in isbaarooyinka u yaala ciidamada milateriga lagu dhibaateeyo shacabka, sidaas awgeedna ay isku diyaarinayaan iney la dagaalamaan haddii aan si deg deg ah wax looga qaban.
Wasiirka difaaca xukuumada Somalia C/xakiin Xaaji Fiqi iyo saraakiil kale ayaa shalay booqday degaano ka tirsan gobolka Sh/hoose oo markii ay tageen ciidamada milaterigu ay iskood u qaadeen isbaarooyinka, iyadoo markii uu wasiirka iyo wafdigiisu ka soo laabteena dib u soo celiyey.