Dagaalkan oo u dhaxeeyey dagaalyahanada xarakada alshabaab iyo kuwa dawlada federalka oo ay garab siinayaan kuwa Amisom ayaa waxa uu ka dhacey gobolka sh/hóose gaar ahaan muuri iyo No 60 oo u dhaxeeya deg.afgooye iyo degmada shalaanbood.
Dagaalkan oo leysu adeegsadey hubka nuucyadiisa kala duwan ayaa waxaa weerarka soo qaadey dagaalyahanada xarakada alshabaab,lamana oga qasaaraha kala gaarey labada dhinac.
Dagaaladan oo ah kuwo mar walba soo noq noqda iyadoo dawlada feralka ah hey’adaheeda amnigu ay sheegeen in ay ka adkaadeen dagaalyahanada xarakada alshabaab oo lagala wareegey dhul badan oo ay ka talin jireen.




