Xisbiga midnimada jamhuuriga soomaaliyeed oo sheegey in aan amniga lagu sugi karin waddooyin la xirto ama dhagxaan lagu gooyo.

0
656

Xisbiga midnimada jamhuuriga soomaliyeed gud.kuxigeenkiisa Cali Maxamed Nuux timajilic oo la hadley warbaahinta ayaa sheegey in aan amniga lagu sugi karin waddo la xiro oo dhagxaan la dhigo balse ay muujinayaan dhagxaantaasi oo kaliya in bilicda magaalada ay xumeeyaan isla markaana ay u sheegaan muwaadiniinta soomaalida ah ee waddooyinka laga kiciyey in dawladii ka kicisey xiratey waddo ka muhiimsan tii laga kiciyey oo iyadu xaafad dhexdeed aheyd.

Gud.kuxigenka xmjs ayaa dawlada dhexe iyo maamulka gobolka banaadir ka codsadey in waddooyinka la furo oo dhagxaanta la dhigey laga qaado,isagoo dhanka kale ku tilmaamey shirka adisababa mid laga duwey wadadii saxda aheyd dano gaar ahna laga leeyahey,kan ugu weynina uu yahey kan ay daba joogto dawlada norwey oo dooneysa in ay badda soomaaliya qeyb kamid ah ku darsato dalka kenya,taas oo dadka soomaaliyeed aysan aqbali doonin.

Hadalkan gud.kuxigeenka xmjs ayaa imanaya xilli leysku mari la’yahey wada hadallo la sheegey in ay u dhaxeeyaan dawlada federalka iyo maamulka ka arrimiya kismaayo ee uu hugaamiyo sheekh axmed madoobe,hugaamiyihii jabhadda raaskamboodi.