Ra’iisul Wasaaraha Soomaali Ameerikaanka Ah Cabdi Wali Maxamed Cali Gaas Oo Booqday Fadhiisimaha Ciidamada Shisheeye Iyo Kuwa TFG-da Ay Ku Leeyihiin Magaalada Muqdisho

0
635

Wararka Soomaaliya

C/wali Maxamed Cali Gaas ayaa maanta booqday Fadhiisimooyin Magaalada Muqdisho ay kaga suganyihiin ciidamada Shisheeye ee duulaanka Muqdisho ku jooga iyo kuwa TFG-da si niyad dhis uu ugu sameeyo ciidamadaasi

Gaas R/wasaaraha Cusub ee Soomaali Ameerikaanka ah ayaa kula hadlay Saxaafada Kulayadii hore ee Jaalle Siyaad isagoona sheegay in ciidamda ay qabteen howlo wanaagsan wuxuuna sidoo kale sheegay in ay sii wadi doonaan dagaalka ay kula Jiraan Mujaahidiinta Al Shabaab

Wuxuu si weyn ugu Mahada Celiyay ciidamada Shisheeye ee Amisom loo yaqaano kuwaasi uu sheegay inuu la dhacsan yahay xoolaha ay wadaan wuxuuna ka codsaday inay sii laba laabaan dagaalka ay kula jiraan Mujaahidiinta Magaalada Muqdisho ku sugan

Booqashada C/wali Maxamed Cali Gaas ayaa imaaneysa xilli dagaalo xoogaan oo u dhaxeeyo ciidamada Shisheeye ee duulaanka Muqdisho ku jooga oo ay kaabayaan kuwa yar oo TFG-da ah iyo Mujaahidinta Al Shabaab

 

Mogadishu Somalia

Webmaster: Max’ud Max’ed Daahir (Carab)

Mogadishu Office

+25-26-15514953/+25-2699-995641

(

 

info@warsom.com & webmaster@warsom.com)