Afhayeenka ciidamada Amisom Cali Aadan Xume ayaa ka hordhacey kiiska gabar la sheegey iyaduna cadeysey in ay ciidamada amisom ee xerada maslax ku sugan in ay kufsadeen.
Gabadhan oo farxumeynteeda aad bulshadu uga carootey,loona saarey gudi isku jir ah oo soo baara arinteeda ayuu maanta ka hordhacey iskana dafirey afhayeenka u hadla ciidamada Amisom Cali Aadan Xume,lamana oga sababta iyo waxa ku xambaarey in uu ka hordhaco iyadoon baaritaanku soo dhamaan,waxeyna tani muujineysaa in mr Xume aysan soomaali waxba la wadaagin uuna lamid yahey kuwa kufsadey gabadhaas sharafteedana meel uga dhacey,soomaalidana laga rabo in ay ka dhiidhiyaan hadii kale ay jooto noqon doonto.
Inkiraada iyo iska fogeynta gabadhan la faraxumeeyey ayaa waxey kusoo beegmeysa xilli dhawaan la xukumey gabar iyaduna sheegtey in ay kufsadeen niman ku labisan direyska ciidamada xabsina lagu xukumey iyada iyo warihii wareystey walaw markii danbe xoriyadooda dib loo siiyey iyadoo ay jiraan hey’ado badan oo sheega in ay illaaliyaan xuquuqda haweenka iyo dadka biri ma geydada ah.




