Wada hadalada ka socda dalka itoobiya ayaa lagu soo waramayaa in leysku mari la’yahey,iyadoo mar kasta ay cirka isku sii shareerayaan wixii loo diyaariyo in la wada saxiixo.
Wada hadaladan oo markii hore la yiri waxey u dhaxeeyaan dawlada federalka iyo maamulka axmed madoobe ayaa hadda u sïi siqaya in ay kusoo biiraan arimo kale oo ay daneyneyso dawlada norwey kuwaasoo la xiriira in dawlada norwey ay dooneyso arrintii badda ee barlamaanki kmg diidey in ay ka hesho maamul ka go’a soomaaliya inteeda kale,waana hubaal in dawladda norwey ay wax kasta u hureyso dhaqaale badana ku beeleyso sidii halkaa uu uga soo bixi laheyd maamul goboleed awood leh oo heshiisyadiisa u madaxbanaan,waxaana la sheegayaa in wafdi ka socda dalka norwey uu hada ku suganyahey adisababa waxaana sidoo kale wufuuda labada dhinac ku kala jira xubnihii bilaabey in muran la geliyo biyaha soomaaliya waqtigii xukuumadii cumar c/rashiid isagoo cumar c/rashiid laftiisu ka socdo maamulka axmed madoobe halka c/raxmaan c/shakuur uu dhanka dawlada ku jiro iyadoo muranku u badanyahey mid u dhaxeeya labadooda oo wax ka og dacarta meesha lagu qooshayo.
Dhawaan ayey aheyd markii ay soo shaacbaxeen warar sheegaya in dawlada norwey ay markale qorsheyneyso in la keeno barlamaanka mawshin la xiriira arinta badda soomaaliya taas oo ay qeylodhaan ka muujiyeen bulshada qeybaheeda kala duwan suurgalna ay taasi noqon weysey dantuna norwey ku qasabtey in ay maamulada gobolada wax ka dhex raadiso iyadoo dawlada dhexe ugu laab qaboojisa in ay miizaaniyada dalka ka kabeyso dhaqaale maaliyadeed oo ku dhaw boqolkiiba 15 miizaaniyada dalka taas oo ah waxba kamajiraan been ah.




