Wafdigii uu hugaaminayey m/weyne xasan sheekh maxamu’d oo adisababa gaarey kulamana la leh!!

0
490

Madaxweyne xasan shekh iyo waftigii uu hugaaminayey ayaa gaarey adisababa iyadoo la filayo in berito uu furmo shir u dhaxeeya maamulka jubaland ee axmed madoobe uu hugaamiyo.

Shirkan oo la filayey in muqdisho lagu qabto ayey maamulka axmed madoobe díideen horena waxaa go’aanka in shirka muqdisho lagu qabto go’aamiyey dawladaha igad,taas oo waxba kama jiraan noqotey.

Kulankan u dhaxeeya dawlada federalka iyo axmed madoobe ayaa kusoo beegmaya iyadoo dawlada dhexe ee soomaaliya cadaadis lagu saarey in ay la heshiiso maamul goboleedyada puntland iyo jubaland ka hor shirka piljemka ka dhicidoona bisha septenber ee soo socota,waxeyna dawlada dhexe ku khasbantahey in ay tanasul sameyso.