kooxo Hubeysan Oo Weerar Dhimasho Iyo Dhaawac Geestay Ku Qaaday Haweyney Ajinabi Ah Iyo Ilaaladeeda.

0
509

Duhurnimadii Maanta Ayaa Waxaa Weerar lagu qaaday xubno ka soo baxay Dhismaha Jaamacada Somalia Xarunteeda KM4, xilli ay Siminaar ku soo gaba gabeeyeen Iyadoona
Siminaarka maanta ay hormuud ka aheyd haweeney u dhalatay dalka Sweden u dhalatay, oo la tilmaamay In
Gaari nooca raaxada ah oo ay wateen, lagu dhuftay gaari SURF ah, oo ay saarnaayeen rag xirnaa dareyska Ciidamada Dowladda, kuwaa oo ku asqeeyay rasaas aysan u meel dayin.
Sidoo Kale Weerarkaan ayaa waxaa ku dhintay wiil Soomaali ah oo dhawaan ka yimid dalka Sweden, kaasoo la tilmaamay in uu turjumaan u ahaa haweeneyda Ajnabiga ah, waxaana ku dhintay nin askari ahaa oo la socday, ahaana wadihii gaariga.
Haweeneydana Sweden u dhalatay, ayaa waxaa la xaqiijiyay inay dhaawacantay, ayna la dhaawacantay gabar kaloo Soomaali ah,oo ku wehlineysa gudbinta turjubaanka wiilka Sweden ka yimid, ee la dilay waxaana lagula cararay Isbitaalka Ciidamada Amisom ee Xalane, oo ku yaala Garoonka Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.
Askar Ka Tirsan Ciidamada Nabad Suggida iyo Booliska ee Dowladda, ayaa waxay isku gadaameen goobta uu weerarku ka dhacay, oo ku dhow Safaarada uu Turkigu ku lee yahay Magaalada Muqdisho, halkaasoo ay baaritaano ka wadaan Oo ay ku baadi goobayaaan Kooxihii Falkaasi Ka Dambeeyey.