Wasaaradda arrimaha gudaha Somalia oo sheegtay inay gacanta kusoo dhigeen rag ka tirsan kooxda Al Shabab.

0
492

Wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga qaranka Somalia C/kariin Xuseen Guuleed ayaa sheegay in ciidamada amaanka dalka Somalia ay ku guulaysteen in ay gacanta kusoo dhigaan rag ka tirsan kooxda Al SHabab kuwaaas oo doonayay sida uu sheegay inay dhibaato geystaan.
Wasiirka Arrimaha gudaha Somalia C/kariin Xuseen Guuleed oo xalay xilli dambe u waramay warbaahinta ayaa sheegay in xalay ay gacanta kusoo dhigeen rag ka tirsan AL SHabab kuwaas oo magaalada Muqdisho dhibaato ka gaysan lahaa.
Xalay ayay ahayd markii guddiga amniga qaranka Somalia ay kulan ku yeesheen xafiiska Ra’iisul wasaaraha halkaas oo dhamaan xubnaha guddiga amniga qaranka ay ka qeyb galeen.