Xisbiga Midnimada Jamhuuriga Somaliyeed oo dhaliilay Hannaanka Garsoorka Dalka.

0
493

Mudane Cali Maxamed Nuux Tima jilic oo ah kusimaha Guddoomiyaha ahna Guddoomiye ku xigeenka Xisbiga midnimada Jamhruuga Soomaaliyeed ayaa ka hadlay arrimaha garsoorka dalka Somalia kaasi oo dhawaanahaan Cabashooyin ay ka jireen.
Ku simaha guddoomiyaha Xisbiga Midnimada Jamhuuriga Somaliyeed Mudane Cali Maxamed Nuux Tima jilic ayaa sheegay in bulshada Soomaliyeed aysan haysanin garsoor ay isku haleen karaan kaasi oo si caddaalad ah u qaadayo dacwadahooda.
“Garsoorka waxaa ka jira dhibaato badan oo Bulshada ay ka sheegayso waxaana loo baahan yahay in la saxo waana lagama maarmaan in la hello Cadaalad wanaagsan ayuu yiri Ku simaha guddoomiyaha Xisbiga Midnimada Jamhuuriga Somaliyeed Mudane Cali Maxamed Nuux Timajilic.
Si kastaba Maxkamadaha dalka ka jira ayaa la sheegay inay fuliyeen xukunno caddaaladda ka fog kuwaasi oo ay ugu badan yihiin Dacwadaha dhanka dhulalka.