Xarakada Al SHabaab ayaa Magaalada Baraawe Ee Gobolka Sh/Hoose Ku soo Bandhigtay Askar La Sheegay In ay Ka Soo Goosteen Madaxweynaha Maamulka Jubboland Shiikh Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe Iyo Col Barre Aadan Shire Barre Hiiraale
Ciidamadan Soo Goostay ayaa La Sheegay In ay Wateen Qoryaha Nuuca Loo Yaqaan AK 47 Iyo Booshashkooda
Askartaan Oo tiradooda Gaaraya Ilaa Iyo 5 Askari ayaa Waxa ay Ka Soo Kala Goosteen Maamulka raaskambooni Iyo Ciidamada Barrre Hiiraale Waxa ayna wararku Intaa Ku Darayaan In Mid Ka Mid ah Askartaasi ay ahayad Qof dumar ah
Maamulka Xarakada Al Shabaab Ee Baraawe ayaa Ka Hadlay Halka Lagu Soo bandhigay Waxa ay Sheen In ay Askartaani Ka Toobad Keeneen Danuubtii ay Horey U Galen Waa Sida ay Hadalka U dhigeen
Ilaa Iyo Haatan Ma Jiro wax war ah Oo Ka Soo Kala Baxay Maamulka Raaskambooni Iyo Kan barre Hiiraale Ee Ku aadan Goosashada Askartaa
Marar Dhowr ah ayaa Sidaan Oo Kale Ciidamada Ka Tirsan Raaskambooniyiinta Ku soo Biireen Xarakada Al Shabaab Taasoo ay Mar Waliba beeniyaan Maamulka Axmed Madoobe Laakiin Dhab ahaanta Warkaani ayaa waxa ay Shabaabku Ku Muujiyeen Sawiro Laga Qaaday Ragga La Sheegay In ay Soo Goosteen





