Meydka Wiil 14, Sanno Jir Qoorta Laga Gowracay Oo Maanta Lagu Arkay Degmada Wada Jir Ee G/Banaadir.

0
487

Meydka wiilkaan ayaa waxaa laga
helay halka la yiraahdo Jaayga ee
Degmada Kaxda, iyadoo meel ku
dhow ay deggan yihiin
Ciidamada Midowga Afrika ee
Amisom, gaar ahaan Ciidamada
Dowladda Burundi.

Dhacdadaan oo lagu soo wargeliyay Maamulka Degmada
Kaxda, ayaa waxay ku bexeen
goobta lagu gowracay wiilka yar,
isla-markaana waxay ka
sameeyeen hawlgalo, lagu soo
qab qabtay laba Ruux Looga Shakiyey Iney ku Lug Leeyihiin.

C/wali Yuusuf Cumar Gudoomiyaha Degmada Kaxda ee
Maamulka Gobolka Banaadir ayaa wuxuu
xaqiijiyay wiilka maanta lagu
gowracay Degmadaasi Kaxda Iyadoona
Gudoomiyaha Uu
carabka ku dhuftay inay gowraca
wiilkaasi u soo qabteen laba nin,
oo Geel raacato ah, oo uu
sheegay in lala xiriirinaayo
gowraca wiilka 14,Jirka Ah.

Falkaani Ka Dhacay Degmada Wada Jir ayaa waxay
noqoneysaa Kan ugu
horeysay ee lagula kaco wiil yar,
isla-markaana loo soo qabto rag
lala xiriirinaayo, tallaabada lagu
Gowracay.