Cali Xirsi Barre Cali gaab oo ah taliyaha ciidamada ilaalada wadooyinka Taraafikada ayaa shir jaraa’id uu ku qabtay magalaada Muqdisho kaga hadlay xernaanshaha wadooyinka qaar oo ay xertaan hay’ado iyo safaarado.
Wadada isku xirta Km4 iyo ilaa tarabuunka ayaa waxaa dhawaan xertay safaaradda dalka Turkiga kadib markii qarax ismiidaamin ah lala eegtay intii lagu guda jiray bisha Ramadaan halkaas oo sargaal turki ah uu ku geeriyooday.
Sidoo kale wadada isku xirta Km4 ilaa garoonka Diyaaradaha ayaa arkaysaa dhowr qeybood oo hay’ado ka tirsan Qaramada midoobay iyo hay’ado kale oo iyana iska xir xirtay wadooyin badan taas oo dhibaato ay kala kulmaan shacabka somaliyeed kuwaas oo ku dhibaatooda socoshada wadooyinkaas.
Ugu dambeyn Taliyaha ciidamada Taraafikada General Cali Gaab ayaa sheegay inay la socdaan arrintas isla markaasna ay go’aan kasoo saari doonaan isagoo xusay inay tahay kuwo amaanka lagu sugayo.




