General Axmed Xasan Maalin Oo Xil Ka Qaadir Lagu Sameeyey.

0
533

General Axmed Xasan Maalin
Taliyihii Ciidamada Booliska ee
Gobolka Banaadir, ayaa waxaa
loo geeyay warqadii xil ka
qaadista loogu sameeyay, isla-
markaana waxaa la xaqiijiyay
inuu aqbalay Waxaana Booska uu baneeyay General
Axmed Xasan Maalin,
si kmg gaar ah loogu
magacaabay Taliyaha qeybta
bartamaha ee Ciidanka Booliska
Soomaaliyeed General Garaad
Nuur Cabdulle.

Garaad Nuur Cabdulle
ayaan la ogeyn in xilka si rasmi
ah loogu soo magacaabi doono
iyo in kale, laakiin Dowladda ayaa
waxay xilliyada qaarkood ay si
kmg gaar ah xilalka Taliska
Ciidanka ugu wareejisaa xubno
kale Oo Ay U Dhibto.

General Maalin Tallaabada xil ka qaadista loogu
sameeyay ayaa
waxay la xiriirtaa isbedelka ay
Dowladdu ku sameyneyso
Saraakiisheeda, waxaana jiri
doono kuwo kale oo xilalka laga
xayuubin doono maalmaha soo
socda.