Prof.Jawaari Gudoomiyaha Baarlamaanka
Soomaaliya iyo
xubno uu horkacaayo, ayaa
waxay taggeen Magaalada
Kampala.
Xubnaha Oo Uu Horkacayey Gudoomiyaha Baarlamaanka ayaa waxay
casuumaad ka helayn
Baarlamaanka Uganda, taasina ay
salka ku heyso socdaalkoodaan
Magaalada Kampala Ee Xarunta Dalkaasi Uganda.
Dhinacyada ayaa waxaa lagu
wadaa inay kulamo ku yeeshaan
Magaalada Kampala, lamana
garanaayo mudada ay qaadan
doonto booqashadooda ku
aadan Uganda
Ha yeeshee inta ay jooggaan
Magaalada Kampala, ayaa la
filayaa inay Baarlamaanka
Uganda ka wada hadlaan arrimo
dhowr ah oo labada dhinac ku
aadan, isla-markaana ay kala
saxiixdaan heshiisyo.
Wax yaabaha leesku waafaqo
heshiiska Kampala, ayaa waxay
Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo
xubnaha la socdaba, ay dib ugula
soo laaban doonaan
Xildhibaanada Baarlamaanka
Soomaaliya Iyadoona
Prof. Jawaari la filayaa in uu
dhigiisa Uganda kaga
mahadceliyo, taageerada ay
Dowladiisu ku taageereyso
Dowladda Federalka ee
Soomaaliya.
Prof.Max’ed Sh Cusmaan Jawaari iyo wefdi uu
hogaaminaayo, ayaa waxay
horey u taggeen Magaalooyinka
Oslo iyo London, oo ay kula soo
kulmeen Masuuliyiin ka kala
tirsan Xildhibaanada labadaasi
dal Ee Uganda Iyo Somalia.




