Abukaate Ceydiid C/llaahi (Ilka Xanaf) Gudoomiyaha Maxkamada Sare ee dalka ayaa wuxuu si kulul u weeraray Raa’isal Wasaaraha Xukuumada Somaliya Dr. Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid” iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka Prof, Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari Isagoona
Gudoomiyaha Uu sheegay in xubnahaan ay caadeysteen inay Sharciga jebiyeen, xilli uu sheegay inaysan iyagu wax ogolaansho ah u heysan inay ka hadlaan Munaasabadaha maalmaha Ciidda ah Dhacda.
Wuxuu Sheegay In Raa’isal Wasaaraha iyo Gudoomiyaha, ay siyaabooyin kala duwan Ummada Soomaaliyeed ugu direen hambalyada ku aadan Munaasabada Ciidul Fitriga, iyagoo sidoo kalana shaaciyay in Khamiista maanta ah ay Ciid tahay Wuxuu Yirri Ceydiid Ilka Xanaf.
“Dalkaan Madaxweyne ayuu leeyahay, isaga ayaana ku dhawaaqi kara inay Ciid tahay iyo in aysan ahayn, Waa wax khalad ah oo Sharuucda kahor imaanaaya in afarta hogaan ee dalka ugu sareysa, uu midba si gaar ah u sheego inay Ciid tahay Nin walba wuxuu u hadlayaa koox gaar ah iyo qabiilkiisa. Maxaa dhacay meeshaan qabiil maa loo shaqeeyaa? In Sharciga la ilaaliyo waa khasab.
Sidoo Kale Gudoomiyaha Maxkamada Oo Sii Wata Hadalka Ayaa Sidan Yirri, “Madaxweynaha ayaa wuxuu Radio Muqdisho ka sheegay inay Ciid tahay Hadana waxaa maqlay Raa’isal Wasaaraha oo dadka hambalyo u diraya Gudoomiyaha Baarlamaankana isna waa sheegay inay Ciidtahay Waxaas looma baahna, haddii mar Madaxweynaha ka hadlo, waa bes.
Wuxuu kaloo uu sheegay in maalmaha caadiga ah ay hambalyo diri karayaan Raa’isal Wasaaraha iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka, hase ahaatee maalmaha Ciidda uu hadli karo oo qura Madaxweynaha.
Ceydiid Ilka Xanaf ayaa wuxuu kaloo soo hadal qaaday in Maamulka Radio Muqdisho uu yahay mid ku shaqeynaaya masuq maasuq, laakiin wuxuu ugu yeeray inay si sax ah ugu shaqeeyaan Qaranka Somalia.Maxkamada Sare ee dalka oo si kulul u weeraray Raa’isal Wasaare Saacid iyo Prof. Jawaari
Gudoomiyaha Maxkamada Sare ee dalka Abukaate Ceydiid C/laahi Ilka Xanaf, ayaa wuxuu si kulul uu u weeraray Raa’isal Wasaaraha Xukuumada Somaliya Dr. Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid” iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka Prof. Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.
Gudoomiyaha ayaa wuxuu sheegay in xubnahaan ay caadeysteen inay Sharciga jebiyeen, xilliuu sheegay inaysan iyagu wax ogolaansho ah u heysan inay ka hadlaan Munaasabadaha maalmaha Ciidda ah.
Raa’isal Wasaaraha iyo Gudoomiyaha, ayaa waxay siyaabooyin kala duwan ay Ummada Soomaaliyeed ugu direen hambalyada kuaadan Munaasabada Ciidul Fitriga, iyagoo sidoo kalana shaaciyay in Khamiista maanta ah ay Ciid tahay.
“Dalkaan Madaxweyne ayuu leeyahay, isaga ayaana ku dhawaaqi kara inay Ciid tahay iyo in aysan ahayn. Waa wax khalad ah oo Sharuucda kahor imaanaaya in afarta hogaan ee dalka ugu sareysa, uu midba si gaar ah u sheego inayCiid tahay.” ayuu yiri Gudoomiyaha oo la hadlay Idaacada SKY NEWS ee Magaalada Muqdisho.
“Nin walba wuxuu u hadlayaa koox gaar ah iyo qabiilkiisa. Maxaa dhacay meeshaan qabiil maa loo shaqeeyaa? In Sharciga la ilaaliyo waa khasab.” ayuu yiri Ceydiid C/laahi Ilka Xanaf.
“Madaxweynaha ayaa wuxuu Radio Muqdisho ka sheegay inay Ciid tahay. Hadana waxaa maqlay Raa’isal Wasaaraha oo dadka hambalyo u diraaya. Gudoomiyaha Baarlamaankana isna waa sheegay inay Ciidtahay. Waxaas looma baahna, haddii mar Madaxweynaha ka hadlo, waa bes.” ayuuyiri Garyaqaanka.
Sidoo kale wuxuu sheegay in maalmaha caadiga ah ay hambalyo diri karayaan Raa’isal Wasaaraha iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka, hase ahaatee maalmaha Ciidda uu hadli karo oo qura Madaxweynaha.
“Maalmaha kale waa caadi in la hadlo, laakiin maanta oo kale marka ay Ciid tahay, waxaa hadli kara Madaxweynaha. Maxaa yeelay dalkaan Madaxweyne ayuu leeyahay.” ayuu sii raaciyay Abukaate Ceydiid C/laahi Ilka Xanaf.
Abukaate Ilka Xanaf ayaa wuxuu kaloo soohadalqaaday in Maamulka Radio Muqdisho uu yahay mid ku shaqeynaaya masuq maasuq, laakiin wuxuu ugu yeeray inay si sax ah ugu shaqeeyaan




