C/kaafi Hilowle Oo Dhaawac Ka Soo Gaaray Qarax Lala Eegtay Gaari Uu Saarnaa.

0
535

C/kaafi Hilowle Cismaan
Xoghayaha Maamulka Gobolka Banaadir ayaa wuxuu la socday kolonyadii ay la socdeen Injineerada udhalatay dalka India, ee gelinkii dambe ee shalay qaraxa lagula eegtay Xaafadda Carafaat ee Degmada Yaaqshiid.

Masuulkaani Ayaa La Sheegay In uu dhaawac ka soo gaaray lugta, isla-markaana uu dhaawaciisu yahay mid fudud, oo aan xaalad adag gelinayn noloshiisa Iyadoona Ay Maamulka Gobolka Banaadir Wali Wax war ah ka soo saarin qaraxaan, oo burbur xoog leh gaarsiiyay gaari uu lee yahay Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Maxamuud Axmed Nuur.

Sidoo Kale Qaraxaan oo loo adeegsaday miinada nooca dhulka lagu aaso ee meelaha fog fog laga haggo, ayaa waxaa ku dhintay midkamid ah Ciidamada gaarka ah ee Duqa Magaalada Muqdisho, Waxaana sidoo kale ku dhaawacmeen Injineero, la sheegay Dalka India inay u dhasheen.

Dilalka Qorsheysan Iyo Qaraxyada ka dhaca Magaalada Muqdisho, ayaa xoogeystay bishii Ramadaan ee tagtay, kadib markii bilowgii Ramadaanka ay Al-Shabaab sheegeen, inay kordhinayaan weerarada ay ka geysanayaan Muqdisho Kuwaa Oo Ay La Bartilmaameedsan Doonaan Masuuliyiinta Dowlada Iyo Kuwa Shisheeye.