Cismaan Caato oo goor dhaw Muqdisho ku Geeriyooday.

0
639

Waxaa galinkii dambe maanta Magaalada Muqdisho ku geeriyooday Cismaan xasan Cali caato oo ahaa xildhibaan ka mida ahaa xildhibaanadii Dowladahii KMG, kaasi oo ka mid ahaa raga siyaasiyiinta ah sida weyn looga yaqaano Magaalada Muqdisho
Geerida Cismaan Caato ayaa waxaa inoo Xaqiijiyay Qaar ka mida eheladiisa, waxaan ay sheegeen in galabta si lama Filaan ah loogu Soo booday, waxaana ay sheegeen in Muqdisho lagu aasi doono.
Cismaan Caato ayaa ka mid ahaa xildhibaanadii Dowladdii KMG ahayd horana uga mid ahaa Hogaamiye kooxeedyadii Muqdisho.