X.M.J.S Oo Maanta 15-Sanno Jirsatay,Iyo Munaasabad Loogu Dabaaldagayey Oo Lagu Qabtay Muqdisho.

0
538

Munaasabad lagu xusayey
sanadguuradii 15aad ee ka soo
wareegtay aasaaskii xisbiga
midnimada Jamhuuriga
Soomaaliyeed oo ku beegan
maanta oo taariikhdu tahay 6-da
bisha Agoosto ayaa lagu qabtay
xarunta xisbigaas ee magaalada
Muqdisho.

Waxaa munaasabadaas ka qeyb
galay Masuuliyiin ka tirsan
guddiga fulinta golaha dhexe iyo
hogaanka XMJS, sidoo kale
waxaa ka qeyb galay
munaasabadan marti sharaf kale
oo lagu casuumay, iyadoo
fantisiyihii iyo suugaantii lagu
maamuusayey sanadguurada
xisbiga loo joojiyey sanadkan
xurmada bisha barakeysan ee
Ramadaan awgeed.

Gudoomiye ku-xigeenka xisbiga
MJS Cali Maxed Nuux (Timajilic)
oo khudbad ka jeediyey
munaasabadaas ayaa ku
dheeraaday taariikhdii,
waxqabadkii xisbigaas iyo
marxaladihi kala duwanaa ee uu
soo maray isagoo xusay in
xisbigu uusan aheyn mid qabiil,
kana mid aheyn kooxaha
hubeysan ee dalka ka jira ama
soo maray.

“Maanta taariikhdu waa 6-da
bisha Agoosto waxay ku beegan
tahay sanadguuradii 15aad ee
ka soo wareegtay asaaska
xisbiga midnimada Jamhuuriga
Soomaaliyed, anigoo ku hadlaya
magaca gudoomiyaha xisbiga
iyo keygaba waxaan hambalyo u
dirayaa dhamaan shacabka
Soomaaliyed gaar ahaan
taageerayaasha xisbiga ee kala
jooga gudaha iyo dibeda dalka
waxaana ALLE uga baryayaa
inuu sanadkan kiisa kale ku
gaarsiiyo barwaaqo nabad iyo
guul” ayuu yiri Mudane Timajilic.

Gudoomiye ku-xigeenka xisbiga
MJS Cali Maxed Nuux (Timajilic)
ayaa sheegay in xisbigala
aasaasay 14 sano ka hor ka dib
markii madaxda xisbiga ay
arkeen baahida loo qabo xisbi
noocan ah, sababo la xiriira
duruufaha adag ee dalka ka jiray
awgeed, isagoo xusay in
ujedooyinkii loo aasaasay ay
wax badan ka qabsoomeen
kuwa kalena ay tiigsanayaan
mustaqbalka sidii ay ku gaari
lahaayeen.

“Ujeedooyinka iyo hadafka
xisbiga midnimada Jamhuuriga
Soomaaliyeed ayaa waxaa ka
mid ah in xukunka loo maro
doorasho xalaal ah oo ah hal qof
iyo hal cod lana joojiyo qabiilka
iyo qoriga la daba ordayo oo
siyaasiyiinta qaar ay moodeen
iney wax ku noqon karaan hase
ahaatee lagu hungoobay” ayuu
yiri Cali Maxed Nuux (Timajilic).

“15 sano ka dib lama
gurguuran, lama fariisin lama
istaagin waxaana sabab u ah
Soomaalida iyo nidaamyadii
dalka soo maray ee qabiilku ku
xoognaa, lana dhinac maray
nidaamka xisbiyada kaasoo
haddii ay dadku qaataan wax
badan ay ka faaiidi lahaayeen,
hase ahaatee waxaan weli ku
taaganahay wadadeena” ayuu
intaa ku daray Timajilic.

Gudoomiyaha ayaa ka hadlay
xaalada dalka gaar ahaan
magaalaada Muqdisho oo
sheegay amaanka uu faraha ka
baxay ayna hareeyeen dilal,
qaraxyo iyo weeraro kale,
isagoo ku eedeeyey dowlada
madaxweyne Xasan Shiikh halkii
sano ee ay jirtay ineysan wax la
taaban karo qabanin.

“Muddadii halka sano aheyd ee
ay jirtay dowlada Xasan Shiikh
dhaxalkii Dowlada KMG ay uga
tagtay iney wax naaqusaan
mooyee waxba kuma kordhin,
amniga wey ku fashilantay,
Maaliyada waad maqasheen in
hanti badan laga lunsaday
Bankiga dhexe, sidoo kale
siyaasada dibeda” ayuu intaa ku
daray Timajlilic.

Dhinaca kale, gudoomiyaha ayaa
wax lala yaabo ku tilmaaamay in
dowlada Somalia ay ka dalbato
dowladaha ciidamadu ka
joogaan dalka iney u gacan
geliyaan gobolada dalka ka dib
kulankii ka dhacay magaalada
Kambala maalin ka hor.

“Waxaanu ka xunahay in
dowlada ay sidii ay beesha
caalamka uga codsan jirtayba in
maanta ay codsato in gacanta
loo geliyo gobolada dalka
qaarkood sida Kismaayo iyadoo
arintaas lagu go’aamiyey shirkii
ka dhacay maalmo ka hor
magaalada Kambala ee ay iskugu
yimaadeen madaxda dalalka
ciidamadu ka joogaan Somalia”
ayuu intaa ku daray
gudoomiyaha.

Timajilic ayaa nasiib daro ku
tilmaamay in amaanka Muqdisho
uu faraha baxay habeen iyo
maalina ka dhacaan 20-meeyo
qarax, dhinaca kalena ay is
faham la’aan ka jirto dalalka
deriska qaarkood iyo dowlada
Somalia.

“Baarlamanka mudadii bisha
aheyd ee kalfadhiga aan caadiga
aheyn uu yeelanayey xeerarkii
qaarna waa celiyeen qaarna waa
ansixiyeen, waxaa ka mid ahaa
sharciga axsaabta dalka oo aan
u aragno inuu yahay in laga
ordaayo axsaabta dalka,
waxaana soo jeedinaynaa in
sharcigaas lagala tashado
axsaabta dalka, sida
warbaahintaba loogala tashaday
sharciga saxaafada” ayuu intaa
ku daray gudoomiye Timajlic.

Xisbiga midnimada jamhuuriga
Soomaaliyed oo maanta u dabaal
degay sanadguuradiisii 15aad
ayaa ah xisbigii ugu horeeyey ee
dalka laga sameeyey kaasoo ka
mid ah asxaabta siyaasadeed ee
ka jirta dalka, waana mid ka
hufan, qori, iyo qabiil, aaminsana
in xukunka dalka lagu gaaro,
dimoqraadiyad, shacabkuna ay
si xor ah u doortaan madaxdii
hogaamin laheyd.

Waxaa xusid mudan in
munaasabado kale oo tan la mid
ah ay ka dhaceen qaar ka mid ah
magaalooyinka gobolada dalka
iyo dibeda waxaana khudbado
ka jeediyey wakiilada xisbiga ee
magaalooyinkaas jooga.