Puntland oo u dabaal degtay Sanad guuradii 15-aad aas aaskeeda iyo Faroole oo Weerar adka ku qaaday Dowladda Somalia.

0
623

Maamulka Puntland ayaa u dabaal deggay sanad guuradii 15-aad ee kasoo wareegatay aas aaskeeda waxaana markii ugu horeeysay lagu dhawaaqay 1-da August 1998.
Xaflad si heer sare loo soo agaasimay ayaa lagu qabtay xarunta maamulka Puntland oo ku taallo magaalada Garoowe ee gobolka Nugaal halkaas oo uu qudbad dheer oo dhinacyo badan uu ka jeediyay Madaxweynaha maamulkaas C/raxmaan Faroole isagoo ku weeraray dowladda dhexe ee Somalia sheegayna inay qaban waysay wixii laga rabay.
C/raxmaan Faroole ayaa sheegay in dowladda dhexe Somalia laga doonayay inay sameeyso lacag loo dhan yahay oo ka dhaxayso dadka Somaliyeed isla markaasna ku hanjabay inuu sameeysan doonno lacag u gooni ah maamulkiisa haddii aysan dowladda Somalia aysan samaynin lacag kawada dhaxeyso Somalida isagoo ku faanay inuu yahay qof si wanaagsan aqoon ugu leh dhaqaalaha oo arrimahas ay u fududyihiin.
Sidoo kale Faroole wuxuu ka hadlay dowladda dhexe iyo qorshaheeda ku aadan maamul sameeynta gobolada dalka isagoo sheegay in ay ku fashilantay sida ay u wajahday samaynta maamulada wuxuuna xusay in aysan dowladda kala tashanin magacaabidda degmooyinka dalka.
Madaxweynaha Puntland wuxuu kaloo ka hadlay midnimada Koofurta Somalia iyo gobolada Waqooy ee la baxay Somaliland islamarkaasna soo dhaweeeyay inay midoobaan labadooda ,Laakin sheegay haddii aanan lagala tashanin maamulkooda aysan waxbo kasoo bixi doonin.
Faroole ayaa wuxuu kaloo ka hadlay oo weerar afka ah ku qaaday Madaxweynihii kaga horeeyay Puntland General Cadde Muuse oo uu ku tilmaamay nin dhibaato ka wada deegaanada Puntland oo doonaya inuu hadda dagaallo ka huriya isagoo sheegay in Puntland lagu dhaqi doonno sharciga shanta sanno ee isaga lagu doortay sida uu hadalka u dhigay.
Hogaamiyaha Maamulka Puntland C/raxmaan Faroole ayaa u mahad celiyay dalal uu sheegay inay ka balan qaadeen dhismayaasha saddex garoomo diyaaradeed kuwaas oo laga fulinayo Magaalooyinka Boosaaso,Garowe iyo Galkacyo.
Dhinaca kale Faroole ayaanan soo hadal qaadin ceelal shidaal kuwaas oo horey ay isku dayday Puntland inay sameeysato laakin halkii shidaal laga filayay ay kasoo burqadeen Biyo Dhanaan ah taasoo noqotay halkii roob laga sugayay ay ceeryaamo isku badashay.
C/raxmaan Faroole ayaa u muuqda nin isku dayaya inuu ka go’ Somalia inteeda kale si lamid ah Somaliland waxaana lagu micneeyay arrintaas inuu ku fashilmay habka Federaalka.