Hakee ayey ku danbeysey siideynta ama maxkamadeynta sheekh xasan daahir aweys oo indhawaalaba u xirnaa dawlada somaliya?

0
529

Wararka ka imanaya madaxtooyada ayaa sheegaya in odayaal ka socda sh xasan daahir aweys iyo wasiiradawlaha madaxtooyada faarax c/qaadir ay kulmeen kana wada hadleen sidii loo xalin lahaa ama lagu siideyn lahaa sh xasan daahir aweys oo dhawaan laga keeney magaalada cadaado ee xarunta maamulka xibin iyo xeeb,kadibna markii uu muqdisho kasoo degey lagu xirey xarun ay leeyihiin ciidamada nabadsugida qaranka.

Odayaasha iyo wasiiradawlaha madaxtooyada faarax c/qaadir ayaa ka wada hadley qodobo la sheegey in laga saxiixo sh xasan daahir aweys kuwaas oo markii hore ahaa labo qodob,sida odayaashu sheegeena ay maqleen in qodobo kale lagu darey hase ahaatee faarax c/qaadir wuu beeniyey hase ahaatee wasiiradawlaha ayaa balanqaadey in sadex cisho gudahood hawshaan sheekha la dhameynayo,taas oo noqotey mid fuli weysey sadexdii cishana la soo dhaafey taas oo sababtey in odayaashii ay mar labaad la kulmeen odayaasha mudulood ayna ku yiraahdeen labo mid noo keena in aan si nabada lagu siideyneyn sheekha iyadoon wax shuruud ah lagu xirin iyo in aan la siideyneyn.

Waxaana lagu soo waramayaa in odayaasha mudulood ay ka codsadeen kuwa habargidir in todobaad la siiyo waana la siiyey,iyadoo la sheegayo in xaley madaxtooyada ay ku kulmeen odayaashi mudulood iyo m/weyne xasan sheekh oo uu wehliyo wasiirodawlaha madaxtooyada faarax c/qaadir lamana oga waxa ay iska yiraahdeen haseyeeshee waxaa wax la kala ogaandoonaa sadexda cisho ee soo socota iyadoo ay odayaasha habargidir muujinayaan quus iyo rajo xumo lumisey kalsoonidii ay markii hore ku qabeen dawlada uu hugaamiyo m/weyne xasan sheekh maxamuud,si kasta oo arinta xasan daahir noqotaba.