Kadib Hadalkii shalay Ee Wasiirka
Gaashaandhiga Xukuumadda
Soomaaliya Baarlamaanka uu ka
hor sheegay tiro isbaarooyin ah
oo yaala Gobalka Shabeelaha
hoose iyo masuuliyiinta ay
uyaalaan oo ka tirsan maamulka
Gobalka Shabeelaha hoose ayaa
qaar kamid ah masuuliyiinta la
eedeeyay waxa ay ka jawaabeen
eedeyntaasi Loo Jeediyey.
Max’ed Cismaan Yariisow Guddoomiyaha Magaalada Marka
ayaa lagu eedeeyay in ilaa labo
isbaaro ay utaalo Gobalka
Shabeelaha hoose,gaar ahaan
inay ukala taalo deegaanka Ceel
Jaale iyo Ceelwareegoow Waxaana Yariisoow gaashaanka Uu
udaruuray eedeyntaasi Wasiirka
Gaashaandhiga ujeediyay,isaga
oo si cad ubeeniyay in haba
yaraate wax isbaaro ah aysan u
oolin Gobalkaasi.
Gudoomiyaha Ayaa sheegay inay ceeb tahay
in uu Musuul Hadal Been Ah Uu Ku Hadlo Iyadoona Ay Arintani noqonaysa ceeb ka
dhexdhalatay Dowladda
Soomaaliya isbaarooyinka
yaala Gobalka Shabeelaha hoose
Dowladda masuuliyadeeda ay Dusha Saaraneyso.




