Askar Ka Tirsaneyd Dowlada Oo Siyaabo Kala Duwan Loogu Kala Dilay Degmoyinka Howlwadaag Iyo Daynile.

0
517

Degmooyinka Hawl Wadaag iyo
Dayniile
Wararka ka imaanaaya ayaa
waxay sheegayaan in
siyaabooyin kala duwan
Degmooyinkaasi loogu kala dilay seddex
kamid ah Ciidamada Dowladda Somalia.

2 askari ayaa waxaa casir liqii
galabta lagu dilay Degmada
Dayniile, gaar ahaan Xaafadda
Raadeerka, isla-markaana
dilkooda ayaa yimid markii ay
toogasho ku dileen niman
bistoolado ku hubeysnaa Goobtana Ay Ka Baxsadeen kuwaa oo horey
u sii qaatay laba qori, oo ay
wateen askartii.

Xilligii afurka ayaa Sidoo Kale
waxaa askari kale isna lagu dilay
Degmada Hawl Wadaag ee
Gobolka Banaadir, gaar ahaan
meel aan ka fogeyn Isgoyska
Hawl Wadaag
Ciidamada Booliska ee Degmada
Hawl Wadaag oo hawlgalo ka
sameeyay goobtana waxaa
lagu soo waramayaa inay
gacanta ku soo dhigeen niman
lala xiriirinaayo dilka askarigaasi Mana Jirto
Ilaa iyo iminka wax war
ah oo ka soo baxay Hay’adaha
ammaanka ee Magaalada
Muqdisho, oo ku aadan dilalka
qorsheysan ee lagu qaarajiyay
seddexdaani askari Ka Tirsanaayen Dowlada.