Howlgal Ay Ciidamada Dowladda Soomaaliya
oo ay kaabayaan Ciidamada
Midowga Afrika ee Amisom, habeenkii labaad ka sameeyeen qaybo
kamid ah Degmada Wadajir ee
Gobolka Banaadir waxayna xalay
hawlgalo qorsheysan ay ka
sameeyeen qaybo ka tirsan
Xaafadda Buulo Xubey, oo ka
tirsan Degmada Wadajir, oo ay
habeen hore Ciidanku ka
sameeyeen hawlgalo.
Sidoo Kale Wararka ayaa waxay sheegayaan
in labada Ciidan ay galayeen
guryaha halkaasi ku yaala, oo
lagu tuhmay inay ku hoydaan
Kooxo Ururka Al
Shabaab Ka Tirsan.
Waxayna Ciidamada guryaha
ka soo qab qabteen rag fara
badan, oo Ay ku sameeyeen
isku shaandheen, isla-markaana
waxay wateen xubno ka tirsan
raggii hawlgalka lagu soo qab
qabtay.
Ciidamadaan ayaa Dhanka Kale
waxay ay hawlgalo ka
sameeyeen Suuqa weyn,
Xaafadda Xaawo Taako,
Korontada, Dan wadaagta iyo
Dhismihii hore ee Shirkadda
Isgaarsiinta ee Hormuud
Telecom
waxayna labada Ciidan ay ku soo
qab qabteen rag lala xiriirinaayo
Ururka Al Shabaab, kuna
kaxeysteen gaadiidkooda, iyagoo
garbo duub u xiran.
Hawlgaladaan, ayaa waxay la
xiriiraan hawlgalada ay
Dowladdu ku dooneyso inay wax
uga qabato falalka amni darada,
ee ka aloosan Magaalada
Muqdisho iyo Hareeraheeda.




