Wararka Soomaaliya
Maalmihii ugu dambeeyay ayaa lacago lagu sheegayo Mushaaraad oo dhan labo boqol oo doolar waxaa xerooyinka ay dagan yihiin ciidamada lagu magacaabo militariga ku siianayay saraakiil Tigree ah iyo kuwa Ugaandhees ah
Waxaana Xerooyinkii lacagahaasi lagu bixinayay ka mid ah Xerada Xalane, Warshada Nacnaca iyo Xerooyin kale ay dagan yihiin ciidamada shisheeye ee duulaanka Muqdisha ku jooga iyo kuwa Soomaalida ah
Saraakiil ka tirsan ciidamada Maltariga ayaa u sheegay wakaalada Wararka Soomaaliyeed ee Warsom in bilooyin dhowr ah aan la siinin wax mushaaraad ah iminkana laga sasabayo lacago dhan labo boqol oo dollar
Marka hore ayaa bishii oo kaliya lagula heshiiyay in ka badan labo boqol oo dollar iyagoona sheegay in arintaani ay ka dhiidhin doonaan isla markaana ay qaadan doonaan go’aan cad waxay u xaqiijiyeen warsom in qaar ka mid ah ciidamada shaqada ay isaga tageen ka dib marka ay ka caroodeen lacaga yar oo ay isoo taageen saraakiil tigrii oo ka soo jeeda dowlada cadowga Eithopia iyo kuwa Ugaandhees ah iyadoona lagu aamineynin saraakiisha Soomaalida ah bixinta lacagaha ay leeyihiin Maleeshiyaadka TFG-da
Waxaa la yaab leh in Mushaaraadka TFG-da ay kala bixiyaan saraakiil ka soo kala jeeda Dowladaha Eithopia, Ugandha oo bixiya Mushaaraadka ay leeyihiin ciidamada Meltariga kuwa Police-kana waxaa bixiya qolada lagu sheego UNDP halka PS-tana ay bixiyaan saraakiil Mareekan ah
Waxay taasi cadeyneysaa in ay jirto Aaminaad Daro lagu qbo Saraakiisha Soomaalida Ah
Mogadishu Somalia
Webmaster: Max’ud Max’ed Daahir (Carab)
Mogadishu Office
+25-26-15514953/+25-2699-995641
(





