Norwey oo beenisay in kaalmada ay siiso dowlada Somalia ay ka leedahay dano iyada u gaar ah.

0
598

Iyadoo ay wali socdaan beeninta warka UN-ka ee Soomaaliya ayaa War kasoo baxay dowlada Norway waxaa lagu beeniyay eedeyn dowladaasi kaga timid guddiga dabagalka Cunuqabateynta saaran Soomaaliya iyo Eritrea, kaasoo ku aadanaa gargaarka dowlada Norwey ay siiso shacabka Soomaaliyeed inay ku wado dano gaar ah.
Dowlada Norwey ayaa sheegtay in dhaleeceynayaan warka ka soo baxay guddigaasi, iyadoo sheegtay inaysan jirin wax dano gaar ah oo ay ka leedahay dalka Soomaaliya.
Guddiga dabagalka cunuqabateynta saaran Soomaaliya iyo Eritrea ayaa ku eedeeyay dowlada Norwey inay dalacsiiso danaheeda dhanka ganacsiga ee shirkadaha saliida ama shidaalka ee dalkaasi.
Warka kasoo baxay dowlada Norway ayaa sidoo kale lagu sheegay waxba kama jiraan hadalka guddiga ka soo baxay sida daabacay wakaalada wararka Rueters.
“Dhamaan eedeymahaasi waa kuwo gabi ahaanba aan jirin oo qalad ah, in gargaarka Norwey ee Soomaaliya uu yahay mid danaheena gaarka ah aan ku fulineyno waa mid aanan jirin”ayaa lagu yiri warka kasoo baxay dowlada Norwey.
Gudiga dabagalka cunuqabateynta saaran Soomaaliya iyo Eritrea ayaa dhawaan warbixin ay soo saareen wuxuu ku eedeeyay shaqsiyaad badan oo Soomaaliya ku sugan iyo dalal kala duwan.