Xildhibaano ka tirsan Baarlamanka Somalia oo ka badbaaday qarax gaari ay la socdeen ku qabsaday degmada Xamar-weyne ee magaalada Muqdisho ayaa faahfaahin ka bixiyey sida ay wax u dhaceen.
Xildhibaan Shiikh Aadan Madeer oo iska lahaa gaariga qarxay ayaa warbaahinta u sheegay in markii gaarigiisu uu qaraxa qabsanayey ay saarnaayeen isaga iyo dad kale oo xildhibaano kale ay ku jireen.
“Gaariga markii uu qaraxu qabsanayey waxaa la socday aniga iyo dad kale oo ay ku jirtay haweeney xildhibaanad ah waan ka boodnay waxaana ku cararay dukaan halkaas ku yaala waan ka badbaadnay aniga iyo xildhibaanada hase ahaatee dad gaariga ilaa saarnaa iyo shacab kale oo halkaas ku dhowaa ayaa dhaawacyo culus ay soo gaareen nasiib daro” ayuu intaa ku daray xildhibaan Madeer.
Mar uu hadlayey siyaabaha uu qaraxaas u qabsaday gaarigiisa ayuu xildhibaan Shiikh Aadan Madeer sheegay inuusan kala garan karin in gaariga miino loogu xiray iyo inuu ahaa qarax meesha lagu sii diyaariyey “Waxaan u badinayaa in miinadaas wadada la dhigay oo gaarigu uu ku joogsaday” ayuu intaa ku daray xildhibaanka.
Ugu yaraan todoba ruux ayaa ku dhaawacmay qaraxaas halka 1 qof uu ku dhintay, waxaana weli socda baaritaano uu qaabka qaraxaas uu u dhacay oo ay wadaan saraakiisha ciidanka Booliska iyo kuwa nabad sugida Somalia




