Madaxa Nabad Sugidda gobolka Shabelaha Hoose oo ka hadlay dhaawac loo gaystay.

0
637

Taliyaha Nabad sugidda dowlada Somalia ee gobalka Sh/hoose oo habeen hore weerar gaadma ah lagu dhaawacayay xilli uu maraayay degaanka KM60 ayaa waxaa warbaahinta uu uga warbixiyey cida ay ahaayeen kooxihii soo weeraray.
“Dhaawaca i gaaray waa mid fudud oo garabka xagiisa ah, waxaana ii geystay Burcad ku labisan tuutaha Qaranka oo uu hogaaminayo nin baxsad ka ah ciidanka milateriga oo ay baadi goobeyso maxkamada ciidamada qalabka sida kaasoo horay sidaan oo kale saraakiil ciidan weerar gaadma ah ugu qaaday qaarkoodna u laayey” ayuu intaa ku daray C/risaaq Catoosh, Taliyaha Nabad sugidda gobolka Sh/hoose oo lagu baxnaaninayo Isbitaalka Daaru Shifa ee magaalada Muqdisho.
Wuxuu ugu baaqay ciidanka Milateriga, Booliiska iyo Nabad sugida inay wax ka qabtaan ragga noocaasi ah ee ku qaraabta magaca ciidanka Dowladda shaatigoodana xiran.
“Halka leygu dhaawacay waa meeshii lagu dilay Taliye Goordan. Ninka lagu magacaabo Liibaan Madaxweyne oo ah ninka ka danbeeyay in aniga ley weeraro waxaa Horay uu u weeraray magaalada Marko wuuna ku dhaawacmay, dowlada ayaana daweysay, waxa uuna dhuuntay iyada la doonayo in maxkamad la saaro” ayuu intaa ku daray Catoosh ayaa sheegay in arimahan aysan aheyn kuwo beeleed.
Liibaan Maxamuud Yuusuf (Liibaan madaxweyne) ayaa shalay si cad u shaaciyay inay taliyaha nabad sugidda dhaawaceen xilli uu ku guda jiray hurinta dagaallo qabiil oo deeganka KM50 ka dhacay sida uu sheegay.