AL Shabab oo weerartay Guriga Guddoomiyaha Baydhabo.

0
554

Dagaalo culus ayaa xalay ka dhacay qeybo ka mid ah duleedka iyo gudaha magaalada Baydhabo ee gobolka Bay kuwaasoo ay fooda isku dareen ciidamada dowlada, AMISOM iyo xoogaga Al-shabaab.
Wararku waxay sheegayaan in dagaaladaas oo socday muddo saacado ah ay bilowdeen markii xoogaga Al-shabaab ay weeraro ku qaadeen fariisimo ay ciidamada dowlada iyo AMISOM ku leeyihiin Baydhabo iyo nawaaxigeeda.
“Xalay oo dhan waxaan maqleynay rasaas xoogan oo marba dhinac u dhaceysa iyo qaraxyo waaweyn, xaaladuna mid jahwareer leh ayey aheyd cabsi fara badana waan dareemaynay” ayuu yiri Maxamed Cali oo ka mid ah dadweynaha magaaladaas.
Meelaha xoogaga Al-shabaab ay weerareen ayaa waxaa ka mid ah hoy uu degan yahay gudoomiyaha magaalada Baydhabo Xasan Macalin Biikole, inkastoo ilaalo hubeysan oo la joogtay ay si adag u difaaceen, waxaana dagaaladu ahaayeen kuwii ugu xumaa ee magaaladaas ka dhaca tan iyo markii ay ciidamada Itoobiya ka baxeen Baydhabo.
Illaa hadda lama oga khasaaraha ka dhashay weeraradii xalay inkastoo ay jiraan warar sheegaya in dad dhaawac ah la gaarsiiyey isbitaalka magaalada Baydhabo.
Waxaa degan saaka xaalada magaalada Baydhabo iyadoo dadweynahan ay hayaan dagaaladii xalay dhacay oo illaa aysan war ka soo saarin maamulka dowlada Somalia ee gobolka Bay, waxayna ku soo aadayaan xili ciidamada Itoobiya ay dhowaan ka baxeen magaaladaas ka dib ku dhowaad labo oo ay halkaas joogeen
Sidoo kale Col. Xasan Isaaq Jeesow oo ah taliyaha ciidamada xoogga dalka guutada koowaad ee qaybta 60-aad ayaa loo taxaabay xabsiga dhexe ee magaalada Baydhabo ka dib markii ciidamada dowlada iyo AMISOM ee ku sugan Baydhabo ay gurigiisa ugu tageen, iyadoo inuu diiday inuu ka baxo guri ay dowladdu leedahay oo ku yaalla Baydhabo.