Rag la sheegay inay dileen Shiikh C/qaadir Gacmeey oo Saaka lagu toogtay Fagaara Ku Yaala Garowe

0
602

toogashoWaxaa Saaka lagu toogtay fagaaro ku yaalla magaalada Garowe labo nin oo la sheegay inay ahaayeen kuwii ka dambeeyey dilkii horaantii sanadkaan loogeystay Shiikh C/qaadir Faarax Gacamey oo ka mid ahaa culumada ugu caaansan deegaanada puntland iyo soomaaliya

Dhawaan ayaa labadaani nin waxaa dil toogasho ku xukunta Maxkamada Ciidmada Qalabka sida kadib markii looga shakiyay in ay ka dambeyay shirqoolkii ma falkii lagu dilay shiikha

Laba Nin ee saaka lagu Toogtay Magaalada Garowe ayaa waxaa lagu kala magacaaba C/raxmaan Xuseen Jaamac ayaa ahaa ninkii dilay Shiikh iyo C/llaahi Cusmaan Axmed oo isna ahaa ninkii soo agaasimay dilka loo geystay shiikh Gacmeey

Allaha unaxariistee Shiikh C/qaadir Nuur Faarax (Gacmeey) ayaa la dilay 15-kii bishii labaad ee sanadkaan horaantiisii waxaana lagu dilay masjidka Al badar oo kuyaalla Garowe iyadoona isla markiiba ciidmada amaanka iyo shacabka Oo is kaashanaayo in ay gacanta ku soo dhigeen rag lagu eeedeynaayo dilka sheikh