Xoogaga Shabaab oo weeraray Garoonka Diyaaradaha ee Kismaayo.

0
255

SOMALIA AL SHABABXoogaga Shabaab ayaa waxay xalay weerar xoogan ay ka geysteen Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Kismaayo, kaasoo 14km ka baxsan Magaalada Kismaayo.

Xoogaga Shabaab ayaa waxay Garoonku ku ekeeyeen hubka waaweyn, iyagoo u suurta gashay inay dhowr madaafiic ah ay gudaha u galiyaan Dhismaha Garoonka Kismaayo.

Weerarkaan oo ay ku soo beegeen xilli dambe oo xalay ahayd, ayaa waxay daqiiqado kadib ay jawaabo kala kulmeen Ciidamada Kenya, kuwaa oo fariisimo ku leh gudaha Garoonka.

Labada dhinac ayaa waxay madaafiicdaan ay weydaarsanayeen ku dhowaad 45 daqiiqood oo xiriir ah, isla-markaana waxaa goobahaasi laga maqlaayay jugta hubka cul culus.

Saraakiisha Midowga Afrika ee Amisom iyo Ururka Al Shabaab, ayaa waxaysan weli ka kala hadlin duqeymaha xoogan ee xalay lagu weeraray Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Kismaayo.

Dadka reer miyiga ah ee halkaasi deggan, ayaa waxay sheegeen inay baqdin ku beereen duqeymihii ay labada dhinac isweydaarsanayeen, mana sheegin wax khasaaro ah oo duqeymahaan ka soo kala gaaray dadka Deegaanka.