Kooxo hubeysan oo la sheegay iney wateen dareyska ciidamada Jabhada Raaskambooni ayaa maanta ku toogtay nin ganacsade ah suuqa magaalada Kismaayo ee gobolka Jubada hoose.
Lama oga sababaha loo dilay ganacsadahan hase ahaatee dilkiisa ayaa qeyb ka noqonaya in ka badan shan qof oo 24kii saac ee la soo dhaafay lagu dilay magaalada Kismaayo.
Ciidamada Jubba-land ee Axmed Madoobe oo gacanta ku haya magaalada Kismaayo ayaa dhexdooda shalay ku dagaalamay halkaasi, taasoo qeyb ka ah dhimashada iyo dhaawaca laga soo sheegay Kismaayo, iyadoo rag dareyska ciidamada xiran ay Qalqal weyn oo xagga amaanka ah ku hayaan magaalada Kismaayo.
Rasaas ay shalay fureen ciidamadda AMISOM ee Kismaayo meel qarax lagula dhacay ayaa waxaa ku dhintey labo qof oo rayid ah, 6 kalana way ku dhaawacmeen.
Sidoo kale rag dareyska ciidamadda xiran ayaa dhac saf mareen ah ka geystey suuqa sariflaha Kismaayo, halkaas oo ay ku dileen 3 qof oo mid haweeney tahay iyagoo sheegay inay dhaceen raggaasi lacag dollar ah oo badan, waxaana ka mid ahaa dadkii ay dileen shalay raggaasi dharka ciidamada watay nin ganacsade ah oo caan ka ahaa magaalada Kismaayo kaasoo lagu magacaabi jiray Cumar Buraale, iyadoo ay jiraan warar kale oo sheegaya in rag hubeysan ay xalay tiro haween ah kufsi ugu geysteen magaaladaas.
Ciidamo ka tirsan maamulka Axmed Madoobe ayaa maanta la arkayey iyagoo howlgalo amaanka lagu sugayo ka sameynaya magaaladaas ka dib markii ay sii korodhay cabashada shacabka magaaladaas ay ka sameynayaan amaan darada sii baaheysa.




