Puntland Oo Dil Kama Dambeys Ah Ku Xukuntay Rag La Sheegay Iney Dileen Sheekh C/qaadir Gacamey.
Maxkamadda Racfaanka ee ciidamada Maamul goboleedka Puntland ayaa ku celisay xukun dil ah oo horay maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada Puntland ki riday rag lagu eedeeyeey iney dileen Sheekh C/qaadir Nuur Faarax oo lagu dhex toogtay masjid ku yaalla magaalada Garowe.
Maxkamadda ayaa dil ku xukuntay 6 ruuc oo 4 ka mid ah baxsadi ku jiraan iyo 2 gacanta lagu hayo.
Labada gacanta lagu hayo ayaa maamulka Puntland magacyadooda ku kala sheegay Cabdiraxmaan Xuseen Jaamac Bille iyo Cabdulaahi Cusmaan Axmed Caynte, waxeyna sheegeen in mid ka mid ah labadaan xukman uu yahay qofkii dilay Shiikh C/qaadir Nuur Faarax, raga maqana wax ka abaabuleen.
Maxkamadda oo bil ka hor raggaan ku ridday xukun dil ah ayaa sheegtay inuu dhammaaday Racfaam 30 beri ah oo ay maxkamaddu siisay lixdaan xubnood, sidaas darteedna ay maxkamaddu mar labaad ku ridday xukun dil ah oo kama dambeys ah, sidaas waxaa saxaafadda u sheegay xeer ilaaliyaha guud ee Puntland C/kariin Xasan Firdhiye.
Maxkamadda ayaa sidoo kale sheegtay in ciidamada Amniga ee Puntland ay ku raad joogaan raga kale ee la xukumay.
Xeer ilaaliyaha guud C/kariin Xasan Firdhiye ayaa sheegay in 6-da ruux ee xukunka dilka ah lagu riday ay Puntland ku dileen xildhibaan, saraakiil, waxgarad iyo dad kale.
Bishii Febaraayo ee sanadkaan ayaa wiil bastoolad sitay Sheekh C/qaadir Nuur Faarax ku dilay masjidka Beder ee magaalada Garowe iyadoo lagu jiray salaadda casir, waxaana xilligaas dad shacb ah qabteen wiilkii dilka geystay kadib markii la ceyrsaday rasaastiina ka dhamaatay, wuxuuna dhaawacay qaar ka mid dadkii ku dabajiray, sida maamulku xilligaas sheegay.
Maamulka Puntland ayaa horay dil toogasho ah banaanka Boosaaso kula fuliyey 13 dhallinyaro ah oo midi haweeneyn aheyd, kuwaasoo lagu eedeeyey iney dilal ka geysteen Puntlnad.




