Dowladda Somalia oo lagu Eedeyay Masuq Maasuq.

0
720

U.N. Says Corruption Rampant in SomaliaGuddiga Qaramada Midoobay ee la socodka Somalia iyo Eritrea ayaa daabacay warbixin muuqaal madow oo dowladda cusub somalia ay maarayn weysay masuq maasuq ay ku kaceen qaar kamid ah shaqsiyaadkaka tirsan dowladda.
Inkastoo dowladdan cusub ay ku dhowdahay muddo sanad ah islamarkaasna ay maamusho inta badan dalka ayaa qeybo kamid ah dowlada waxay ku kaceeen fal masuq maasuq xilli laga filayay inay horumar ka sameeyaan masuq maasuqaaas.
Dalalka reer Galbeedka ayaa horey u sheegay inay dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo bishii September la doortay ay taageero siinayaan iyagoo u balan qaaday lacag ka bada 250 milyan oo dollar si wax loogu qabto dalka ayaa haatan waxaa soo baxaya fadeexado lasoo darsay dowladdaas.
Kooxda la socodga arrimaha somalia iyo Eritrea ee Qaramada Midoobay ayaa sheegay in dowladda cusub ay ku kacday masuq maasuq malaayiin dollar lagu lunsaday.
Iyadoo dhawaan la sheegay in lacag badan lagala baxay bankiga dhexe ee dowladda somalia ayaa haatan waxaa mar kale soo baxaya lacago kale oo si masuq maasuq ah loogala baxay Qasnadaha dowladda.
Guddiga Qaramada Midoobay ayaa si gaar ah u xusay kashiyeerka Wasaaradda maaliyadda nin ay magaciisa ku sheegen Shire Axmed Jimcaale kaas oo lagu eedeyay inuu lunsaday lacag dhan 20.5 milyan oo Dollar intii u dhaxaysay sanadihii 2010 ilaa 2013 isagoo lacagtaas u qaaday hanaan aan sharciyeysanayn.
Madaxa Bandhiga dhexe ee somalia C/salaan Cumar ayaa guddigaan qadka taleefanka ugu sheegay in lacag kasta oo lagala baxayo bankiga lagu qoro magaca qofka la siiyo.
“waxaa kuu sheegi karaa 100 in lacagaha ay soo galaan bankiga dhexe islamarkaasna ay ku baxaan hab shariyeeysan oo ay ku qaataan lacagtaas qeybaha iyo hay’adaha soo dalbaday ayuu yiri C/salaan Cumar.
Guddigaan ayaa sheegay in si masuq maasuq ah loo qaato lacagaha ilaha dhaqaale ee dalka sida Dekadda iyo qeybo kale.