Dowladda Lithuania oo Ciidamo u soo direyso Xeebaha Somalia si ay qeyb ugu Noqdaan Howlgalka ATALANTA.
Wararka ka imaanaya dalka Lithuanian ayaa sheegaya in dowladda dalkaas ay qorsheenayso inay ciidamo u soo dirto dhawaan dalka somalia si ay qeyb ugu noqdaan howlgalka la magac baxay ATALANTA ee Midowga Yurub.
Xaflad ciidamadaas loogu soo dirayo somalia oo lagu qabtay dalka Lithuania ayaa waxaa ka qeyb galay wasiirka gaashandhigga dalkaas Juozas Olekas,Madaxa Ciidamada Sareeye Guud Arvydas Pocius,Taliyaha ciidamada lugta Sareeye Gaas Almantas Leika,iyo Saraakiil kale oo ka tirsan ciidamada dalkaas ayaa wasiirka gaashandhigga dalkaas uu ku shaaciyay in ay ciidamo ugu dirayaan somalia.
Wasiirka Gaashandhigga ayaa intaas ku daray in ciidamadaan ay qeyb ka noqon doonaan howlgalka la magac baxay ATALANTA oo midowga yurub ay ka sameeyaan somalia isla markaasna uu yahay mid lagula dagalamayo burcad badeeda somalia.
Ciidamada dalka Lithuania ayaa la sheegay inay saldhigooda noqon doonno dalka Jabuuti halkaas oo ay kala dagaalami doonaan burcad badeeda somalia waxaana shaqadooda ay noqon doontaa inay soo galbiyaan shixnadaha maraakiibta u soo raran WFP kuwaas oo dhawaanahan ay ilaalinayeen ciidamada badda dalka Finland oo qeyb ka ah howlgalka la magac baxay ATALANTA.




