Ciidamada Ethiopia oo isaga Baxay Baydhabo iyo Amisom oo la wareegay amaanka goobaha ay baneeyen ciidankaas.

0
544

Wararka ka imaanaya magaalada Baydhabo ee gobolka Bay ayaa sheegaya in ciidamada dowladda Ethiopia ee ku sugnaa magalaadaas ay isaga baxeen halkaas.
Ciidamada Ethiopia ayaa u ruqaansaday deegaano ka tirsan gobolada Bay,bakool ilaa Gedo iyadoo haatan ay ku sugan yihiin Ethiopian-ka degmada Bardaale ee gobolka Bay.
Warku wuxuu intaas ku daraya in ciidamadan ay doonayaan inay kala wareegaan deegano kale oo ka tirsan gobolada Bay,Bakool iyo Gedo oo ay ku sugan yihiin AL Shabab.
Goobaha ay Baneeyeen ciidamada Etoobiyaanka ayaa waxaa la wareegay ciidanka midowga Afrika ee Amisom.
Si kastaba lama oga halka sida rasmiga ay u saldhigan doonaan ciidamada Etoobiyaanka ee ka ruqaansaday Baydhabo.