Xarakada alshabaab ayaa sheegatey in ay qaraxii shaley lala eegtey gaari kuwa gaashaaman ee ay isticmaalaan ciidamada Amisom lagu dhaawacey sarkaal sare oo sirdoonka reer galbeedka ugu qaabilsanaa bariga iyo bartamaha Africa.
Alshabaab ayaa sidoo kale sheegey in sarkaalkaasi u dhintey dhawacii soo gaarey ayna cadeymo muujinaya in warkani xaqiiqo yahey ay dhawaan soo bandhigi doonaan iyagoo sheegey in ay dardar gelinayaan hawlgalada lagula dirirayo ciidamada huwanta calooshood u shaqeystayaasha dalka gudihiisa ku sugan,waa sida uu yiriye.
Warkan ayaa imanaya iyadoo shaley gaari ay walxaha qarxaa ka buuxaan lagu dhuftey mid kamid ah baabuurta ay wataan ciidamada Amisom kuwaasoo xabaddu aysan karin,waxaana la arkayey gaarigan oo gubanaya isla markaana albaabadu u balaqanyihiin,mana jirto cid ka hadashey sheegashadan kasoo baxeysa dhaqdhaqaaqa dagaalyahanada alshabaab.




