Wilaayada Islaamiga ah ee Baay & Bakool ayaa maanta dowro diini usoo gababagysay ku dhawaad 70 oday dhaqameed oo ka kala yimid degmooyinka iyo deegaanada ay ka koobantahay Wilaayada Baay & Bakool.

0
811

Waraka Soomaaliya

Dowrada Diiniga ah ee manta loosoo gabagabeeyay Nabadoonada Baay & Bakool ayaa waxay muddo ka badan hal bil ka socotay deegaanka Daynuunaay ee hoostaga Degmada Baydhaba.

Xaflad si heersare ah loosoo agaasimay oo lagu soo afmeerayay dowrada ayaa gelinkii hore maanta ka dhacday deegaanka Daynuunaay waxaana kasoo qayb galay Culimaa’udiin, Ganacsato, abwaano iyo Masuuliyiin sarsare oo ka kala socotay Wilaayada Islaamiga Baay & Bakool iyo weliba qaar ka tirsan hogaanka sare ee Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.

Waaliga Wilaayada Islaamiga Baay & Bakool Sh.Mahad Cumar C/Kariim oo ka hadlay Munaasabada ayaa u mahadceliyay Nabdoonada kasoo qayb qaatay Dowrada diiniga ah kuwaas oo uu sheegay inay mudo ka badan hal bil ILAAHAY dartiis u jilib xirnaayeen oo danahoodii oo dhan ay kasoo tageen si ay u faa’iideystaan.

Sh.Cali Maxamuud Raage afhayeenka Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab oo goobta munaasabada ka hadlay ayaa ku ammaanay dadka Baay & Bakool sida ay u garab taaganyihiin Mujaahidiinya u taagan sidii ay cadawga hororka ah uga difaaci lahaayeen dadka Muslimiinta ah.

Qaar ka mid ah nabadoonadii dhamaystay dowrada diiniga ah oo goobta ka hadlay ayaa iyaguna u mahad celiyay Wilaayada Islaamiga ah sida ay xilka isaga saartay kor u qaadida aqoonta ay Nabadoonadu u leeyihiin Diinta Islaamka, waxayna ka codsadeen Maamulka Islaamiga ah inuu sedan oo kale marar kale ugusoo agaasimo dowrooyin noocan oo kale ah..

Nabadoonada ayaa sheegay inay Dowrada ku qaateen duruus kala duwan oo qiima badan sida duruus ku saabsan Caqiidada, Towxiidka, Siirada, Tajwiidka Qur’aanka iyo weliba Tababar dhanka Milatariga ah oo ay nabadoonadu ku baranayeen sida hubka loo isticmaalo.

Dhamaan dadkii kasoo qayb galay Munaasabada ayaa si weyn usoo dhaweeyay dowrada diiniga ah ee loosoo gabagabeeyay Nabadoonada Baay & Bakool iyaga oo sheegay in arintan ay horseed u noqon doonto inuu xoogeysto xiriirka u dhexeeya qabaa’ilka ay kala matalaan Nabadoonadaas, sidaasna lagusii xoojiyo nabaggelyada iyo walaaltinimada ay ku naaloonayaan dadka ku wada dhaqan Baay & Bakool.

 

Mogadishu Somalia

Webmaster: Max’ud Max’ed Daahir (Carab)

Mogadishu Office

+25-26-15514953/+25-2699-995641

(

info@warsom.com & webmaster@warsom.com)