Qarax Qasaaro gaystay oo Amisom lagula eegtay Hurwaa.

0
530

Askari ka tirsan ciidanka Amisom ayaa geeriyooday ciidamo kalena waxaa soo gaaray dhaawac kadib markii qarax miino lagula beegtay xaafadda Suuqa Xoolaha ee degmada Hurwaa.
Kolonyo ka tirsan ciidamada Amisom ayaa marayay wadada dheer ee isku xirta degmada Balcad iyo Xaafadda Suuqa Xoolaha halkaas oo qarax miino lagula eegtay kolonyadaas isla markaasna uu halkaas ku geeriyooday wade ka tirsanaa Kolonyada Amisom waxaana dhaawac uu soo gaaray tiro kale oo aan la ogayn iyadoo bur bur xoogan uu soo gaaray gaari nuuca xamuulka qaado.
Degmada Hurwaa ayaa ah deegaanno ay si aad ah ugu xoogan yihiiin kooxda mucaaradka ah ee AL Shabab isla markaasna dilal iyo qaraxyo ay ka gaystaan Xaafadaha degmada Hurwaa.
Amisom ayaa qaraxyo loogu gaystaa gudaha magaalada Muqdisho tan iyo markii ay yimaadeen sanadkii 2007 iyadoo ay dalka ku sugan yihiin in ka badan 17 kun askari oo ka socda Midowga Afrika.