Wasaaradda Gaashandhigga oo Mushaaro siisay ciidamada.

0
490

Dowladda Somalia ayaa bilaawday inay bixiso mushaarada ciidamada Militariga Somalia kuwaaas oo mushaarada aan la siinin bilooyin badan.
Wasiirka Gaashandhigga Dowladda Somalia C/kariin Xaaji Fiqi ayaa sheegay in ay bilaabeen bixinta mushaarada oo maanta ay mushaaro siiyeen ciidamo dhawaan tababar loo soo gabo gabeeyay kuwaas oo ku jiro Xerada Jaziira ee duleedka magaalada muqdisho.
Ciidamada militariga Somalia ayaa ka cabanayay dhawaanahaan mushaaro la’aan iyagoo tan iyo markii la doortay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ay yareed siinta mushaarada.
Ugu dambeyn Wasiirka Gaashandhigga ayaa sheegay in Hal gacan ay kula dagaalamayaan Al Shabab gacanta kalena ay ku dhisayaan ciidanka xoogga dalka Somalia.