Wararka aan ka hellayno magalada Kampala ee caasimadda dalka Uganda ayaa sheegaya in magaladaas uu dhawaan ka furmi doonno shir qarsoodi ah oo ay ku yeelan doonaan Siyaasiyiin caan ka ah dalka Somalia oo qaarkood xilalka ugu sareeyo kasoo qabtay dalka Somalia.
Xog aan helnay ayaa sheegaysa in dowladda Uganda ay ka shaqeysay shirkaan oo qaar kamid ah Siyaasiyiintaan ku fikirayeen iyadoo la sheegay in bishaan bartamaheeda ay dhamaan mas’uuliyiintaas isugu imaan doonan magalada Kampala halkaaas oo uu ka furmi doonno.
Qaar kamid ah Siyaasiyiintaan oo ku sugan gudaha magaalada Muqdisho ayaa la sheegaya inay wadaan qaban qaabo ku aadan in bannaanbax u muuqdo kacdoon shacab ay ka wadaan gudaha magaalada Muqdisho kaas oo looga soo horjeedo Dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Siyaasiyiinta la sheegay inay ka wadaan abaabulka gudaha dalka Somalia ayaa waxaa kamid ah Jeneraal Yuusuf Indho Cadde, rag ka tirsan Xisbiga Aala Sheekh waxaana kamid ah Sheekh C/qaadir Cali Cumar
Raggaan la sheegay inay shirka ku yelanayaan magaalada Kampalada ayaa waxaa kamid ah Labo madaxweyne oo horey dalka Somalia u soo maray,Saddex Ra’iisul Wasaare oo dalka xil kasoo qabtay,Mas’uul horey u soo qabtay xilka Guddoomiye Baarlamaan iyo siyaasiyiin kale.
Xogta ayaa intaas ku daraya in labo madaxweyne hore oo horey xilal ugu soo qabtay dalka Somalia kuwaas oo kala ah Madaxweyne C/qaasim Salaad Xasan iyo Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo looga guulaystay doorashadii 10-kii September ee sanadkii hore ka dhacday magaalada Muqdisho oo uu kusoo baxay madaxweynaha haatan Xasan Sheekh Maxamuud.
Sidoo kale shirkaan ayaa dadka lagu marti qaaday kamid ah saddex Siyaasi oo horey u soo noqday Ra’iisul Wasaarayaal dowladihii Somalia soo maray kuwaas oo kala ah Pfor,Cali Maxamed Geeddi,Maxamed C/laahi Farmaajo iyo Prof.C/wali Maxamed Cali GAAS halka Shariif Xasan Sheekh Aadan oo horey u soo noqday labo jeer Guddoomiyaha Barlamanka Somalia uu isna ka qeyb galaya shirkaan.
Waxaa kaloo shirkaan la sheegay inay ka qeyb gali doonaan Siyaasiyiin uu kamid yahay DR C/raxmaan Sheekh C/laahi BAADIYOW oo kamid ahaa musharaxiintii ka qeyb galay tartanka madaxweyne isla markaasna horey ay ugu wada tirsanaayeen ururka AL Islaax Madaxweyne Xasan Sheekh oo markii dambe la baxay Dammu Jaddiid laakin mar kale dib ula midoobay Garab kamid ah Xarakada AL Islaax waxana uu yahay Dr Baadiyow Siyaasi si weyn ugu soo horjeedo Hannaanka dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ay wax ku wadaan.
Shirkaan ka dhanka ah dowladda Somalia ee haatan shaqeyso ayaa waxaaa lagu marti qaaday Diblomaasiga caanka ee u dhashay dalka Tanzania ee lagu magacaabo Dr Agustino Philip Mahiga oo muddo ahaa wakiilka Qaramada midoobay u qaabilsan dalka Somalia oo dhawaan laga qaaday jagadaas iyadoo lagu badalay Nicolas Key oo u dhashay dalka Ingiriiska,waxaana Mahiga tan iyo markii la dhisay dowladdan aan ku meel gaarka ahayn uu ku lahaan waayay kaalin muuqata.
Si kastaba shirkaan ayaa la ogayn waxa kasoo bixi kara iyadoo ay jiraan siyaasiyiin kale oo lagu marti qaaday shirka kuwaas oo ay kamid yihiin Saraakiil Sar Sare oo ka tirsanaa ciidamadii qalabka sida.




