“Dowlada Mareykanka Iyo Q.M” Xasan Daahir, Ilaa Uu Ka Tanaasulo Fikirkiisa Shabaabnimo Ma Cafineyno.

0
478

Qaramada
Midoobay ayaa ka hadashay
arrinka Sheekh Xasan Daahir
Aweys oo dhawaan loo soo
gacangeliyey dowladda
Soomaaliya ka dib markii uu ka
soo goostay Xarakada Al-shabaab oo uu horay ugu biiray
isaga iyo ururkii uu hogaamin
jiray ee Xisbul Islaami waxayna sii
deynta Xasan Daahir ay ku xirtay
Qaramada Midoobay shuruudo Dhowr Ah.

Nicholos Kay Ergayga Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya ayaa isagoo ku
sugan magaalada London ee
dalka Ingiriiska ka hadlay arrinka
Xasan Daahir wuxuuna sheegay
in xayiraad dhanka duulimaadka
ah ay Qaramada Midoobay iyo
Mareykanka ay saareen Xasan
Daahir, loona baahanyahay in si
taasi meesha looga saaro uu ka
tanaasulo fikirkii Al-shabaabnimo
ama xagjireed ee uu horay u
aaminsanaa.

Sidoo Kale Danjire Kay ayaa sheegay in
Sheekh Xasan Daahir oo ka mid
ahaa xubnaha sarsare ee Al-shabaab horayna uu u ahaa
hogaamiyaha Xisbul Islaam uu
yahay hogaamiye xag-jir ah
marka loo eego xubnaha kale ee
ay ka wada tirsanaayeen Al-shabaab oo dagaal kula jirta
dowladda Soomaaliya, wuxuuna
sheegay in Xasan Daahir aan la
cafin karin illaa iyo inta uu ka
tanaasulayo fikirkiisii Al-shabaabnimo, isla markaasna uu
ka cadeynayo in dowladda
Soomaaliya uu la shaqeynayo
amaba uu taageersanyahay,
haddii uu doono yuusan la
shaqeynine.

“Qaramada Midoobay iyo
Mareykanka waxay xayiraad
dhinaca duulimaadka ah horay u
saareen Sheekh Xasan Daahir iyo
xubno kale oo ka tirsan Al-
shabaab, waxaana keliya oo lagu
cafin karaa Xasan Daahir inuu ka
tanaasulo falalkii uu horay ugu
jiray iyo inuu cadeeyo fikirka uu
Al-shabaab ka aaminsan yahay,
haddii uu diido inuu cadeeyo
mowqifkiisa Al-shabaabnimo
inuu ka tanaasulay cafis ma heli
doono” ayuu yiri ayuu yiri danjire
Nicholas Kay.

Hadalka Ka Soo Yeeray Danjire Nicholas Kay ayaa waxa uu ku soo aadayaa iyadoo
mas’uuliyiinta dowladda
Soomaaliya ay horay u sheegeen
inay u baahanyihiin fursad yar si
go’aan looga gaaro arrinta
Sheekh Xasan Daahir oo ay
gacanta ku hayaan, inkastoo uu
Muqdisho ka dhacay dibadbaxyo
looga soo horjeedo xariga
wadaad Diimeedka, waxaana xusid
mudan in Sheekh Xasan Daahir
uu bishii hore ka soo goostay
degmada Baraawe oo ay ka
taliso Al-shabaab, ka dib markii
ciidamo taageerayaashiisa ah iyo
kuwa Al-shabaab Ka Tirsanaa Ay Kala Firxadeen Qaarkoodna Gacanta Lagu Dhigay Islamarkaana La Dilay.