Kulankan oo uu soo qabanqaabiyey kuna qariyey wax lagu sheegey ka qeybgalka aaska iyo jinaasada ayaa waxaa ku kulmaya bahwadaag u muuqda in ay hab qabiil u abaabulanyihiin ayaa labo ujeedo kulanka ka leh.
1 in ay ku carqaladeeyaan shirka turkiga uga socda soomaalida koonfure iyo kuwa waqooyi.
2 iyo in bahwadaagtu ku kulmaan fursad kasta oo la heli karo si leysaga kaashado meelmarinta danaha iyo hamiga ay higsanayaan rag uu horboodayo c/raxmaan faroole.
Madaxweynaha puntland faroole,ayaa fariimaha imaatinka axmed madoobe iyo kuwa kibilka 5’aad u direy in ay puntland yimaadiin iyadoo ay suuragal u noqonweydey soomalida ku hoosnool kenya,waxeyna qeyb ka ahaayeen kulankan uu odeyga ka yahey c/raxmaan sh maxamuud faroole,kulan hoosaadkan ayaa ah mid odayaasha kaarkooda gubaya maadaama soomaalidu u muuqato mid ka guuraysa qabiilka una guureysa nidaamka xisbiyada badan.
Kulankan marxuumka lagu been abuuranayo ayaa kusoo beegmaya iyadoo maamulka puntland ay diideen dastuurki ay lahaayeen puntland ayaa sameysey,axmed madoobe oo isna guluf dagaal gaadma ah ku qaadey isagoo kaashanaya ciidanka kenya wixii aan beeshiisa aheyn ee kismaayo ku noolaa kuwaas oo kala ah ciidanki dawlada taageersanaa ee shacabka ahaa iyo ciidamadii dawlada laftoodi laguna qasbey dadka maamul aan loo dhameyn oo axmed madoobe sheegey in uu isagu yahey m/weynaha rasmiga ah ee juba land.




