Axmed madoobe oo gaarey puntland tan iyo intii taageerayaashiisu u doorteen m/weynaha jubaland.

0
509

Hugaamiyaha jabhadda raaskamboodi axmed madoobe oo uu la socdo prof.gaandi ayaa maanta ka degey gobolka mudug isagoo isii gudbey garoowe,waxaana gobolka mudug magaalada gaalkacyo uu ku booqdey bukaan dhawaan ku dhaawacmey dagaalki ka dhacey kismaayo isagoo si aad iyo aad ah ugu mahadceliyey taageerada ay siiyeen walaalahooda puntland.

Axmed madoobe iyo waftiga uu horkacayey ayaa u gudbey garoowe iyadoo aysan u kala harin dadka degen magaalada garoowe madax iyo shacab,waxaana hor kacayey madaxdi soo dhaweysey axmed madoobe m/weynaha puntland faroole iyo ku xigeenkiisa,wafdi ka socdey ismaamulka soomaalida itoobiya iyo shacab fara badan,iyadoo ay hadleen faroole iyo axmed madoobe waxey labaduba sheegeen in ujeedka imaatinka axmed madoobe uu yahey oo keliya ka qeybgalka aaska allaha u naxariistee cabdullahi boqor muuse oo dalka berito meydkiisa la keenayo kadibna loo sii gudbindoono magaalada qardho oo 2008ki lagu caleema saarey allaha u naxariistee.

Booqashadan oo ah tii ugu horeysey ee axmed madoobe puntlan ku tago ayaa kusoo beegmeysa iyadoo dhawaan dagaal u dhaxeeya jabhada raaskamboodi oo ay garabsiinayaan ciidamada kenya iyo isbaheysi dhawr madaxweyne oo iyaguna ku andacoonaya in la doortey balse markii danbe looga itaal roonaadey kismaayo xamarna qaxooti ku ah,taas oo iyaga laftoodu ku sheegeen wareysiyo ay bixiyeen in ciidamada kenya laayeen ciidamadoodi ayna magaalada kismaayo kasoosaareen ciidamada kenya.